Category Archives: Uncategorized

Cilmi Baarista (Research) Maxaa lagu qexaa cilmi Baaris?.

imageCasharka 1 Cilmi Baarista (Research) Maxaa lagu qexaa cilmi Baaris?.

Agosto 1 (BAr AMA Baro)— Cilmi baaris waa eray farsameed loo isticmaalo tacliinta sare gaar ahaan jaamacadaha. Sida ka muuqato eragya, waa labo eray oo isu tagay CILMI iyo BAARIS.
Sida dhabta ah ma jirto hal qeexid oo la isku wada raacsanyahay oo ay leedahay cilmi baarsitu, waxaase jiro qeexisyo kala duwan oo ay u sameyeen dadka ku xeel dheer cilmi baarista. Casharkan waxaan ku soo bandhigi donaa qeexista kala duwan ee laga bixiyay Cilmi baarista.

Cilmi baaristu waa hab celimiyeeysan oo lagu baaro xogta uu leeyahay mawaduuc cayiman. Waxaa kaloo lagu qeexaa cilmibaaristu in ay tahay nidaam lagu raadinayo xaqiiq cusub oo lagu soo kordhiyo qayb ka mid ah cilmiga jiro.

Qabiirada qaar ayaa cilmi baarista ku shegay in tahay nidaam lagu ogaano wax aan la aqoonin, sidoo kale waxa ku shegaan cilmi baaristu in tahay safar lagu daahfuraayo aqoonta dahsoon. Sidoo kale waxaa cilmibaris lagu shegaa in ay tilaabo kasto oo lagu doonaayo in lagu ogaado wax aan la ogayn natiijadooda.

Marka loo eego Clifford Woody, cilmi barista waxaa uu ku sheegay in ay tahay dhib jiro oo la ogaado, la saadaliyo xalka, la sameeyo xog aruurin ku saabsan dhibaatada, kadib xogta la falanqeeyo ugu dabayntiina la isbar bardhigo wixi la saadaliyay iyo natiijada dhabta ah ee soo baxday xog ururinta.

Dhinaca kale D. Slesinger and M. Stephenson waxay cilmi baaris ku shegeen in ay tahay nidaam lagu balarinayo, lagu saxayo, ama lagu xaqiijinaayo cilmiga jiro. Ugu danbayntii, cilmi baaristu, waa tabaruca asalka ah ee aqoonta jirta iyo in la horumariyo cilmiga.

Cilmi barista waa in la raadiyo runta iyada oo la baarayo habnidam cilmiyeed ah sida tijaboyin, waraysiyo, isbar bardhig iwm. Cilmi barista waa hab xal loogu helaayo dhib jiro oo taagan .

Hadafka laga leeyahay Cilmi baarista

Hadafka laga leeyahay cilmi baarista waa ay kala duwanaan kartaa, waxaase ugu muhiimsan in jawaab loogu helo su’ aalihi aan la aqoon jawaabtooda iyo in la soo helo runta aan weli la ogaan iyadoo lagu radinaayo hab cilmiyeeysan. Sida aan horay u sheegnay, hadafka cilmi baarista waa uu kala duwanaan karaa, waxaase ugu waawayn hadafka qodobada soo socdo midkood.

In arin cusub loo baaro si qoto dheer wax badana laga ogaado (Exploratory Study)
In cilmi baaris lagu sameeyo dabeecada iyo xaalada, qof, koox ama arin (Describtive study)
In la daraaseeyo inta jeer ee wax soo noq noqdaan iyagoo xiriir la leh arin kale (diagnostic study)
In la tijaabiyo saadaal laga bixiyay xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha ( Hypothesis testing study)

Casharka 2 Cilmi Baarista (Research) Maxaa lagu qexaa cilmi Baaris?.

Cilmi baaristu way nuucyo badan tahay wayna kala duwantahay. Inta aan la bilaabin cilmi barista waxaa haboon in la is waydiiyo.

Maxay tahay hadafka laga leeyahay cilmi baaristaan? Cutubkaani waxaynu ku soo bandhigidonaa nuucyada cilmi baariseed kuwood ugu muhiimsan.

Cilmi Baaris Saafi ah (Pure Research)

Inta badan cilmi barista nuucaan ah waxaa loo sameyaa si loo ogaado xog aas aas u ah cilmiga Sayniska. Marka la samaynayo cilmi barista nuucan ah, hadafku ma ahan in la adeegsado durbaba oo la dabaqo natiijadii ka soo baxdo cilmi barista, ee hadafku waxa uu yahay in la hurumariyo cilmiga jiro, lacadeeyo lana sharaxo xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (variables).

Hadafka cilmi baaristan waxaa kale uu noqon karaa in la hurumariyo fahanka aqooneed ee aanu ka haysano dunida aanu ku nool nahay.
Casharka 1 Cilmi Baarista (Research) Maxaa lagu qexaa cilmi Baaris?. 

Waxaa laga yabaa in uu qofka is waydiiyo, hadii aanan cilmi barista xal toos aha loogu raadinayn dhib jiro ama anan looga jawaabeyn su,aalo aan jawaab loohayn xiligaas.

Maxaan lacagy iyo waqti ugu luminaa, maxaanse isugu dhibaa? Jawaabtu waxay tahay, cilmi barista saafiga ah (Pure) waxay aas aas u tahay cilmi barista oo dhan, waxayna wadada u sii xartaa in la amba qaado waxa loo yaqaano cilmi barista la dabaqay (Applied Research) hadii aan la helin cilmi baaris saafi ah (Pure Research) way adkanaysaa in la amba qaado cilmi barista la dabaqo waana sil salad isku xiran.

Cilmi Baarista la dabaqo (Applied Research)

Guud ahaan, cilmi barista la dabaqo waxa loo amba qadaa si looga jawaabo su, aalo aan jawaabtooda lahayn ama xal loogu keeno dhibaato jirto. Inta badan hadafku waxaa uu yahay in wax la qeexo ee ma ahan in la curiyo. Cilmi barista nucaan ah waxaa aas aas u ah oo ay raad racdaa cilmi barista saafiga ah.

Hadaba, su,asho waxay tahay. Muxuu yahay farqiga u dhaxeeyo labada nuuc ee cilmi baariseed? Mida hore, waxay ka caawisaa adanuhu in uu wax badan ka ogaado dunida aynu ku nool nahay.

Halka cilmi baariska kale ay ka caawiso aadanuhu in uu xal ugu raadiyo dhib jiro ama su,aalo aan jawaab loo hayn.

Waay socotaa, lasoco isbuucayada danbe qabaha kale (Continue…..)

Casharka 3 Cilmi Baarista (Research) Maxaa lagu qexaa cilmi Baaris?.

Noocyada Cilmi Baarista: Qaybtaan waa qayb kale oo ka mid ah cashardii hore ee aan ku soo baranay nucyada cilmi baariseed ee jira. Cilmi baaris waliba waxa ay leedahay hadaf gaar ah oo lagu gaaro.

Waa muhiim in cilmi baaruhu yaqano nuuca cilmi baariseed uu an baqadayo inta uusan howsha faraha lagelin. Waana in cilmi baaruhu ogaado mida uu hadafkiisa ku gaari karo. Waxaa marar badan dhacdo in la amba qaado cilmi baaris hadana natiijadi ka soo baxday ay miro dhal ahaan waydo amaba ay xiriir la yeelan waydo hadafki lagalaa cilmi baarista, taasina waxaa loo aneyaa in bilawgii hore, cilmu baaruhu uu san ogayn nuuca cilmi baariseed ee ku haboon waxa uu donayo. Qoralada soo sodo waxaan ku sharaxaynaa nuucyada cilmi bariseed.

Cilmi baaris Sahmiyeed (Exploratory study)

Cilmi barista nucaan ah waxaa la sameyaa marka ay san jirin wax horay looga qoray arintaan oo ay tahay marki ugu horeysay ee lagu sameyo cilmi baaris. Cilmi baaristu waxay isku dayaaysaa in aay ogaato xog badan oo la xiriirto arintaan madama ay tahay markii ugu horeysay ee cilmi baaris nuucasi la sameeyo.

Darasad Sahmiyedku waa ay dabacsantahay (flexible) waxaa lagu xalin karaa nucyada kala duwan ee su,aalaha cilmi baarista sida (Sababta, Maxay, iyo Sidee). Cilmi baaristu waxa ay isku dayaysaa in ay soo bandhigto xog cusub iyadoo aysan jirin wax horay loo sii saadaaliyay ama loo mala awaalay (hypothesis). Hadaba cilmi baaris sahmiyeedka waxaa lagu soo kobaa sidan:-

In aqoon dheeraad ah iyo faah faahin laga helo waxa la baaraayo

In la curiyo fikir cusub, iyo in la hurumariyo aragtiyaha (theories)

In la curiyo malo awaal cusub (Hypothesis)

In wadada loo sii xaaro suurta galnimada in cilmi baaris kale oo dheeri ah la amaba qaado

In la helo jiho macayim ah loo raaco daraasadaha mustaqbalka

Cilmi Baaris Qeexineed (Descriptive research)

Cilmi baarista nucaan ah waxay qeexdaa arin gaar ah, waxayna diirada saartaa waxa dhacaya hada. Sidoo kale waxay diirada saartaa imisa jeer ayay horay u dhaceen arimaha nuucaan ah. Darasada kama hadasho sababta ay arin u dhacdo ama u dhacday intaba. Sababaha loo ambaqaado darasadan nuucan ah way fara badan yihiin waxaase ugu sii muhiimsan in la muujiyo xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables ).

Marka darasadan la amabaqadayo cilmi baaruhu waxaa uu adeegsan karaa qidado kala duwan oo uu xogta ku soo ururiyo. Waxaan ka mid ah qidadaha. In uu indho indheen ku ururiyo xogta ama daraseen. Darasadu waxay u kuur galaa (xalada, dabeecadaha, dhaqanka iyo rayiga) ay leyihiin koox gaar ah. Sidoo kale waxaa la adegsan karaa waraysiyo kala duwan oo dadka lala yeelanayo.

Daarasda qeexida waa loo adegsan karaa hababka Taranta (quantitative) iyo Tayada (Qualitative) In la go,aamiyo nooca la adegsanaayo waxay ku xirantahay su,allaha cilmi baarista (Reseach Questions)

Cilmi Baaris Sharaxeed (Explanatory research)

Daraasada nuucaan ah waxay sharaxdaa sababta ay wax u dhacayaaan, waxay qimaysaa waxa sababo xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables). Waxaa kaloo loo adegsadaa in lagu tijaabiyo xariirka ka dhaxeeyo mala awaanlka (Hypothesis) iyo samaynta ay isku yeelan karaan doorsooma yaasha. Cilmbi baaris sharaxeed ku waxay ka jawabtaa, sababta iyo sida ay wax u dhaceen. Waxay raadraacdaa waxa sababa iyo samaynta xiriirka ka dhaxeeyo labo doorsome.

Cilmi baaristan waxaa la amba qadaa marka xogta lahayo ay yartahay lana rabo in la sii faah faahiyo xogtaas yar oo la keeno faah faahin dheeri ah. Hadafki waxaa uu yahay in la helo xog badan.

Cilmi Baaris Saadaalineed (Predictive research)

Cilmi baarista nuucaan ah waxay waxay saadaalisaa ifafaalaha mustaqbalka iyo suurta galinimada waxaas in ay dhacaan. Cilmi baaristaan intabadan waxay ku bilaabataa in la raadiyo waxa dhici doono iyadoo laga qayaas qaadanayo wixi horay loo ogaa amaba horay u soo dhacay. Cilmi barista nuucaan ah waxaa lagu lifaqaa fasiraadi ay soo jeedisay cilmi baari sharaxeedki

(Explanatory research)

Casharka 4 Cilmi Baarista (Research) Maxaa lagu qexaa cilmi Baaris?.

Published on August 19, 2015 by admin · No Comments
Doorashada Mowduuca (Selecting a Topic) : Qaybtaan waxaan ugu talagnay in aan ka caawino ardayga sidii aad u dooran lahaa mowduuci uu wax ka qori lahaa.

Cilmi baaristu ma’ahan wax aad u sahlan oo cid kasto samayn karto maalmo gudahood. In aad doorato mowduuca aad wax ka qorayso waa shaqada kuugu horeyso ee aad qabanayso. Waxaa laga yabaa in ay tahay qaybta ugu adag messhi laga bilaabi lahaa iyo doorashada mowdiici wixi wax laga qori lahaa.

Sababta arday uu udoorto in uu cilmi baaris ku sameeyo mowduuc gaar ah waay kala duwanaan kartaa. Mararka qaar, siyaasada jamacada u taalo ayaa ah in ardayga loo dooro mowduuca uu wax ka qoraayo. Waxaa kaloo lagayabaa in ay qarashka cilmi baarista cidkale ay dhiibayso oo ay doonayso dano gaar ah ay lihiin in loo baaro.

Sidoo kale dowladaha qaar ayaa ardayda waxay siyaan wax barasho bilaash (Scholarship) gaar ahaan ardayda Ph.D diyaarinayso. Marka qofka la siiyo waxbarasho bilaash ah waxaa laga yabaa in lagu xiro in uu cilmi baris ka sameeyo mowduuc gaar ah. Hadii intaasi ay jirto adigu malihid aqtiyaar aad ku doorato mowduuca aad donaysid in aad wax ka qorto. Cutubkan waxaa uu quseyaa cida leh go, aankeeda in ay ku doorato mowduuca ay rabto in ay wax ka qorto.

Cilmi baaristu waxay u baahantahay waqti, qarash iyo adkaysi. Waxan halkan ku soo bandhigaynaa qididadah lagu doorto mowduuca wax laga qoraayo.

Waxaa muhiim ah in qofka uu doorto mowduuc uu aad u xisaynayo uu diyaar u yahay in uu waqti iyo garaad uu ku bixiyo.
Dooro mowduuc aad aqriskiisa ku raxaysanayso aadna fahmayo xogtisa hoose . Waxaa haboon mowduuca la doranayo in uu ahaado mid xiriir la leh noloshaada iyo mustaqbalkaaga shaqo. Tusaale, hadii aad jeceshahay in aad noqoto ganacsade ama aad tahay, mowduucaga ha ahaado ganacsiga iyo wax la xiriro. Hadii aad rabto in aad noqto siyaasi mowduucaga hala xiriiro siyaasada.
Mowduuca ha ahaado, mid aad horay wax uga soo baratay oo aad ku course kiisa soo qadatay oo waliba aan darajo fiican ka haysato natiijadiisa imtixaanka. Dooro madooyinka aad A ka haysato oo aad ku raxaysanaysay xiligi aad baranaysay. Haka dooran wowduuca maado aad C ka hayso ama aad ku dhacday.
Samee waxa loo yaqaan (Brainstorming) aruuri rayiyo kala duwan oo la xiriiro wowduca .Iska hubi in mowduuca aad maamuli karto (managable) xogtiisane aad heli karto
Aqri oo soo ururi xogbadan oo la xiriirto mowduuca aad rabto in aad wax ka qorto
Marwaliba oo la dooranayo mowduuc waxaa haboon in la iswaydiiyo su’alaha looyaqaan (5Ws) maxaan u doranaa moducaan? Maxaa xiiso ah uu iileyahay aniga? Rayi maka haystaa arimaha quseyo moducan?

Yuuquseyaa mowducan oo xogtiisaa laga helaa marka xog ururiska la gaaro? Ka fogow mowducyada ay kugu adkanayso in aad xogtooda hesho ama cida ay qusayso aad awoodin in aad la kulanto.

Tusaale ahaan hadii xogta lagaaga bahanyahay in aad ka soo ururiso madaxda ugu sarayso dalka sida Madaxwaynaha iyo Ra,isul wasaraha iyo Wasirada. Adigane adan ahayn siyaasi awood u leh in uu la kulmo dadkaas.

Waxay kugu noqonee in ay waqti dheer kaa qadato ama in aad ku guul daraysato. Marka ka taxadir cida mowduucaaga uu higsanayo in uu ka helo xogta.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad taqaano mowduca aad wax ka qorayso qoraayaasha ugu waa wayn ee ugu caansan. Qorayasha waxay shegaan cilmi baarista mustaqbalka la rabo in la amaba qaado ee quseeyo mowducaas. (Future recommendation)

Ogow waxa ayihiin su,aalaha ugu waa wayn ee la iska waydinayo mowducan? Majirtaa dood ka taagan mowducan oo aan jawaab loohayn? Ma jirtaa oraahyo iyo aryiyo kala duwan oo laga kala qabo woducan oo la isku qilaafsanyahay? Hubi in mowducan oo meel ka bananyahay (GAP)

Is waydii hadii aan doorto mowducan ma wuxu muhiim u yahay gudaha, heer qaran mise heer caalami. Majiraa meel gaar ah uu bartilmaa maysanayo mowducaaga.

Ugu danbaynti mayahay moducaan mid hada muhiim ah oo xilagaan la joogo loo baahanyahay mise waa mid xiligiisi ka soo gudbay. Ma waxaad rabtaa in aad is bar bar dhigto xiligii hore iyo xiliga hada la joogo?.

Dooro mowduuc xiligaas tagan la jaan qaadi karo. Waqti ha iskaga lumin in aad FARAACIINTI wax ka qorto. Dadka waxa jecelyihiin in ay aqriyaan xalada markaas taagan wixi laga qoray sida FACE BOOK, Viber, Whatsup.

Hadii aad moduucaga yahay waxa la xiriiri aaladihi laga soo tagay sida (TYPE) ka waa hubaal in aysan jirin cid aqrinayso. Ugu danbayti dooro moduuc xiliga la jaanqadi karo.
lasoco qaybaha kale (Continue…)

Casharkii 9aad Habka Cilmi Baarista (Research Method)

September 15 (Jowhar)— Tusaaloyin Bayaanka Dhibaatada: Waxaa jiro habab badan oo loo qoro bayaanka dhibaatada. Hadafka laga leeyahay bayaanka dhibaatada waxaa uu yahay in dhibaatada guud laga dhaxdoorto dhibaatada gaarka ah ee u baahan in goor hore wax laga qabto.

Bayaanka dhibaatada ma haboono in uu ka badnaado hal page. Dadka qaar ayaa qabo in dhibta marka ugu horeysaba la qeexo iyadoo aan laga hormarin hordhac. Sidoo kale waxaa jiro qubaro aamin san inta aanan dhibta la sheegin halaga hormariyo hordhac muujinaayo sida haboon ama hadafka la rabo in la garo, kadibna dhibak jiro la sheego. Si loo fahmo qaabka looqarayo bayaanka dhibaatada waxaan soo qadanaynaa dhoor tusaale.

Waxaa muhiim ah in bayaanka dhibaatada uu ka koobnaado afar qaybood oo kala 1- Hadafka ama sid haboon ee loo rabo in ay wax noqdaan. 2- Xaqiiqda hada jirto oo ka duwan wixi larabay in la gaaro 3- Caqabada ka imaankarto hadii aanan wax laga qaban waxa socdo 4- Nuuca cilmi baarista ee la samaynaayo si loo xal loogu raadsho dhibka jiro. Tusaalaha aan soo qaadan doono waxaan ku salayn doonaa afarta qaybood.

Tusaalaha Kowaada

Sida la doonayo in ay wax noqdaan (Hadafka)

Cisbitaalka ABC waxaa uu daaweeyaa bukaanka guud ahaan. Waxa ay shegaan in ay haystaan qalab caafimaad oo aana keenin wax qalad ah oo la xariiro isticmaalka, waa mid la isku haleenkaro, xanuun aan u keenin bukaana, isticmaalkiisuna fududyahay,waqti yarna ay qaadanayso in uu natiijada loo baahnaa ku soo saaro marka ugu horeyso ee la isticmaalo.

Xaqiiqda jirto

Macaamiil badan oo taktay cisbitaalka waxay ka cabanayaan isticmaalaka qalabka uu yahay mid qalaadad badan soo saaro marna xogta lumiyo. Bukaanka dhoor jeer ayaa lagu celceliyaa tijaabada, bukaanka wuxaynaa dareemo xanuun markasto oo lagu celiyo. Sidoo kale macamisha waxay shegayaan in waqti dheer laga sugo jawabta.

Caqabada ka imankarto

Hadii aan qalabka lahagaajin, waxaa dhici doonto in bukaano badan oo u bahnaa wax qabad deg deg ah ay u dhintaan qalabka liito awadiis. Dhinaca kale, bukaano badan oo yimaado cisbitaalka, waxay doorbidayaan in ay raadsadan cisbitaalo kale oo haysto qalab ka fiican midka uu haysto cisbitaalka ABC.

Cilmi-Baaris

Waxaa cilmi-baaris lagu samaynayaa sababta keentay in qalabka uu u shaqayn wayay sidi loogu talagalay. Sidoo kale waxaa la baraya halka cilada ay ka timid in ay tahay dadka oo aan training u fican u haysan isticmalka qalabka, mise qalabka ayaa ah mid gaboobay oo aan xiliga la socon.

Tusaale Labaaad

Sida larabo in ay wax noqdaan (Hadafka)

Jaamacada XY baayaankeeda howlgalka waxaa uu balan qadayaa in ardayda ay heli donaan wax barasho tayo leh, macalimiin qibrad leh oo shahaado sare ah ka haysto maadada ay dhigayaan iyo waliba in jaamacada ay adeegsan doonto manhaj (curriculum) tayadiisa sarayso.

Xaqiiqda

Ardayda dhigato jaamacada XY waxay ka cabanayaan in ay san helin macalimiin leh qibrad sare haystane shahaado sare. Sidoo kale ardayda jaamacada waxay ka cabanayaan in aysan helin manhaj tayo leh oo la raaco iyo in ay jirto in aan la helin buugaagti wax laga baran lahaa.

Caqabadaha ka dhalankaro

Hadii jaamacada aysan helin macalimiin shahaado sare ka haysto maadada ay dhigyaan una tababaran wax barida, waxaa dhacayso in jaamacada ay awoodi wayso in ay soo saarto arday aqoontooda jamacadeed dhisantahay. Sidoo kale hadii aysan jaamacada helin manhaj (curriculum) tayo leh oo wax lagabarto, waxaa dhacayso in ardayga marki uu jamacada dhameeyo uu awoodi waayo in uu shaqo helo, hadii uu helano uu gudan waayo wajibki aqooneed ee looga baahnaa.

Cilmi-Baarista la samaynaayo

Iyada oo laga jawaabaayo dhibka jiro waxaa cilmi- baaris lagu samaynayaa, tayada macalimiinta wax ka dhigo jaamacad XY. Nuuca uu yahay manhajka jaamacada iyo ardaydii jaamacada ka qalin jabisay sida loo shaqalaysiyay iyo heerkooda shaqo gudasho.

Tusaalaha Sadaxaad

Sida larabo in ay wax noqdaan (Hadafka)

2016, doowladda Somalia waxay doonaysaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah oo xalaal ah, qof walibane uu u dhiibto codkiisa iyada oo aanan la hadandadin.

Xaqiiqda Jirto

Dalka nabadgalyo guud kama jirto, nidaamki federalka madhameestirna oo ismaamul goboleedyo qaar ayaan weli la dhisin. Qaybo kamid ah dalka weli waxaa ka taliyo Al-shabab oo dowladda ka soo horjeedo. Maamulada gobolada ka dhisan qaar ayaa dowladda dhexe dhalilsan. Dasturka dalka u yaal waa qabyo qoraal. Iyo Waqtiga dowladda uhoray oo aad u kooban.

Waxa ka dhalankaro

Hadii aan la xalin dhabaatoyinka ay ugu horeyso amaanka, xiriirka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe, hadii aan dhulka dowlada kamaqan lagu soo celin gacanta dowladda. Ma dhici doonto doorasha xaq ah oo xalaalah, ma dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, mad dhici doonto doorasho uu ka qayb qaato qof kasto oo Somali ah.

Cilmi- baarsta la samaynaayo

Darasada hadafkeedu waxa uu yahay in ay baarto sida caqabadaha horyaalo dowladda ay ugu horjoogsan karaan in dalka ay ka dhacaan doorashooyin. Daarasadu waxay baaraysaa sida ay u kala mudan yihiin in loo xaliyo dhibaatada inta waqtiga ka dhiman.

Casharkii 10aad Habka Cilmi Baarista (Research Method)

Su’aalaha cilmi baarista waxay laf dhabar u yihiin daraasadda. Waxaa haboon in si khoto dheer looga fakaro, maxaayeelay hadii su’aalaha cilmi-baarista ay khaldamaan waxay keeni kartaa in ay daraasada dhami wada khaldanto.

Dhinaca kale, su’aalaha cilmi-baarista ee looraadinaayo jawaabta, waxay ka caawinayaan aqristaha in uu wax badan ka ogaado mowduuca.

Qaar ka mid ah su’aalaha cilmi-baarista waxay diirada saran xiriirka u dhaxeeyo aragti (theory) qaarkale waxay ujeedadoodu tahay in ay su’aal iska waydiyaan sidii ay u soo if baxi lahayd arakti cusub (new theory). Inta badan ardayda Ph.D ayaa looga baahan yahay wax la xiriiro (theory). Ardayga diyarinayo (Degree ama Master) ee doonaayo in uu qoro booga qalin jabinta ma haboona in uu isku mashquulin (theory) iyo wixii la xiriiro.

Dadka qibrada u leh cilmi baarista waxay ku bilaaban cilmi baaristooda su’aasha ay dadka kale jawaabta u raadinayan iyo su’aalo aan ilaa hada laga jawaabin. Su’aasha ugu fiican ee cilmi baarista waa mida dadka kale ay rabaan in ay ogdaan jawaabteeda, kana caawiso in ay fahmaan arinta mugeeda.

Waxaa jiri karo su’aalo ka dhaxguuxaayo maskaxda cilmi-baaraha una qalmo in loo raadiyo jawaab. Marwaliba waxaa loo baahanyahay su’aalo aan jawaabtooda la hayn in ay ahaadaan su’aalaha cilmi baarista.

research-jowharcom

Waxaa xusid mudan in su’alaha cilmi baarista ay yihiin kuwa go’aamiyo habka loo ururinayo xogta (Research Method) sidoo kale su’aalaha waxay hagaan habka xogta loo faaqidaayo (data analysis). Guud ahaan su’aalaha cilmi baarista waxay u baahan yihiin in aad looga taxadaro. Marar badana waxaa dhacda in wax laga badalo sida uu yahay qoraalka su’aalaha balse hadafku waa inuu ahadaa halkiisii.

Waxaa muhiim ah in la ogaado, su’aalaha cilmi baarista in aysan noqon kuwa laga sii jawaabi karo. Cilmi-baaruhu waa in uu ka fogaado su’aalaha jawaabtooda la heli karo iyada oo aanan cilmi-baaris la samayn. Su’aalaha waa in ay ahaadaan su’aalo aan jawaab loo heyn ama aan loo heli karin ilaa laga sameeyo cilmi-baaris.

Waxaa haboon in cilmi-baaruhu iswaydiiyo su’aalaha soo soocdo:- Su’aasha xagee ka timid? ma waxay ka timid qoraaladi hore (literature) mise waxay ka timid dhinaca shaqada (Practical) ka? Su’aasha aad dooratay matahay su,aal ku haboon oo ay xiseeynayaan dadka ku xeel dheer mowduuca? Su’aalahan mayihiin su’aalo xiligan taagan mise waa kuwa laga tagay? Waqtigan ma ku haboontahay in su’alahan laga jawaabo? Dadka cilmi-baarista maalgaliyo ma danaynaayaan in ay ogadaan su’aalahan jawaabahooda oo diyaar ma uyihiin in qarash ku bixiyaan? Su’aalahan horay jawaab maloogu raadiyay? Hadii horay looga raadiyay, ma jiraan su’aalo laga tagay oo u baahan in laga jawaabo? su’aalaha jawaabtoodu ma waxay buxinayaan boos kabanaan tacliinta (academic) mise boos ka banaan shaqada (Practical)?.

Su’aalaha cilmi-baarista waa waa in ay ahaadaan kuwo la maamulikaro (managable) oo ay san noqon su’aalo baxadoodu wayntahay. Su’aasha wa in ay san noqon mid la soo guuriyay (copy) waa in ay noqoto mid aad adiga samaysatay oo aad jawaab ugu raadinayso dhibka aad aragtay. Sidoo kale waa in uu qoraagu iswaydiiyo, malagu helikaraa xogta su’aalahan waqti kooban iyo qarash kooban?.

Intabadan, su’aalaha cilmi-baarista waxaa haboon in ay san ka badnaan afar (4) maxaa yeelay Cilmi-baaraha waxaa laga donayaa in uu kawada jawaabo su’aalah marka ugu danbayso ee uu faaqido xogta uu soo ururiyay. Hadii cilmi-baaruhu uu ku guul dareesto in uu ka jawaabi waayo su’alaha cilmi baarista waxay ka dhigantahay in lagu guul dareestay hadafki cilmi baarista.

Ugu danbayntii, su’aalaha cilmi-baarista waaxa uu xiriir toos ah la leeyihiin hadafka cilmi baarista (Research objectives) Si fahanka u fududaayo casharka soo socdo waxaan ku soo bandhigi donaa tusaaloyin la xiriiro su’aalaha cilmi-baarista.

Sababta aay Kenya ku diiday dacwada, waa qorsheeyaal LOOGU talagalay in loo gudbo Plan B

imageSababta aay Kenya ku diiday dacwada, waa qorsheeyaal LOOGU talagalay in loo gudbo Plan B

Sidaan la wada soconno Kenya waxaay rabtaa in aay ka faa iideysato warbixintii aay soo qortay Qaramada Midoobay oo ah sidatan:-

Read More:
Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanab badda muranka la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.

Arrintaa warbixinta UN waxay ka tiri: “Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka,” sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka eeS/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.

Waxaana warbixinta UN-ku cadaysay in Soomaaliya ay sannadkii 1972 cabirka baddeeda ku qeexday 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters.

Waxaa arrintaas (in Soomaaliya ay leedahay 200 nm oo territorial waters ah) ayidey go’aan ay June 6, 2013 soo saareen Golaha Wasiirada DFS, kaas oo qeexay sidan “Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.”

Unquote

Qorshaha aay hadda wadayo Kenya.

Kenya waxaay rabtaa in dacwada loo BADALO WADA XAAJOOD MIISKA LA WADA FADHIISTO, KADDIBNA LAGU DABAKHO WARBIXINTAN AAN KOR KUSOO DHAJIYAY AYAGOO OG IN AAY WADA HAYSTAAN SHARUUDIHII LOO BAAHNAA OO DHAN.

1) BADDU WAA ISDUL SAARANTAHAY,

2) EEZ OO LA QAATAY IYO 12NM OO DHULBADEEDKA SOOMAALIYA LAGU SOO KOOBAY IYO

3) LAW NO. 37 OO HAWADA LAGU DARAY.

Halkan ka akhri kenya oo diidey dacwadda
badda

image

Doorka Ay Tiro-yarida Kheyraadka Daciibigu Ku Leeyihiin Mushkiladda Soomaalida

La taliye madax banaan Political Analyst & Expert in East Africa politics

La taliye madax banaan
Political Analyst & Expert in East Africa politics

Doorka Ay Tiro-yarida Kheyraadka Daciibigu
Ku Leeyihiin Mushkiladda Soomaalida

PenSomalia -Wax badan ayaa laga yiri waxa ka qaldamay Soomaaliya, welina waxaa mugdi nooga jiraa sida iyo sababta ay ku dhacday kala daadashada weyn ee ku timid qaranimadii iyo bulshadii Soomaaliyeed. Si wax looga fahmo mushkiladda na heysata, waxaa lagama maarmaan ah in aynnu si wacan u ognahay sababaha ugu muhiimsan ee dhaliyay khilaafkahubeysan iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee bulshada kala qeybiyey iyo weliba sidii looga dabaalan lahaa. Waxaa jira rayi’yo fara badan iyo afkaar kala duwan oo dhamaantoodba wax ka tilmaamaaya sida ay wax u xumaadeen. Guud ahaan nolosha aadanaha waxaa si weyn saameyn ugu leh laba qodob oo kala ah (1) sida ay dadku u fikiraan, waxa ay aaminsan yihiin, iyo (2) sida uu u eg yahay degaanka ay dadku ku nool yihiin. Read the rest of this entry

Maxaa lagu bedeli karaa siyaasada ku-dhaqanka Qabiilka ?

La taliye madax banaan Political Analyst & Expert in East Africa politics

La taliye madax banaan
Political Analyst & Expert in East Africa politics

Jorrnalist’s Resource – Siyaasadda ku- dhaqan-qabiilka ee soomaliya waxay soo jirtay ka hor inta aynan soomalia helin xurnimadeeda, siyaasadan qaabka daran waxay sababtay dib u dhaca dhinaca weliba. Dib u dhacaas qormadan lagu soo koobi karo. balse waxaa ka mid ahaa waxyeelada qabiil ku dhaqan in qabiilka uu yahay kii na kala qoqobay, kii na ala qixiyey, usla markaana nagana dhigay qaxooti iyo qurba joog qabiilka waa kan noo diiday in aanan quudan kheyraadka kal duwan ee dalka soomaaliya uu leeyahay.

Read the rest of this entry

Somalia border wall will ward off terrorists, says Mandera Governor Ali Roba

imageMandera Governor Ali Roba during a security meeting in Mandera town. He said the security wall is temporary and once Somalia stabilises politically, Mandera will push for its demolition.


Tuesday August 25, 2015 –    Mandera Governor Ali Roba says the planned construction of a wall between Kenya and Somalia will improve security in the county.
Mr Roba says the wall along the porous border will ward off terrorists.

“My administration supports the national government in this project because the wall will help stabilize Mandera by defining specific entry and exit points for better screening,” said Mr Roba who spoke at the weekend after meeting the county security team.
He blamed insecurity in Mandera on past administrations which he accused of failing to define the border. Read the rest of this entry

FANKA QORAALKA

FANKA QORAALKA

FANKA QORAALKA

PenSomalia- Iyada oo wax lagu farxo ay tahay in aynu arkaynno sida ay usoo badanayso hal-abuurnimada qalinka iyo wax-qoristu, ha ahaato buug, maqaal, sheeko, dhacdo, malo-awaal IWM oo la curinayo, haddana waxa wali muuqata in ereyga “tayo-darro” aad mooddo in aanu nolosheenna meelnaba ka madhnayn, haddii ay tahay waxbarasho, caafimaad, ganacsi IWM. Hal-abuurnimada qoraalka ayaa iyana ka mid ah meelaha sida ba’an ay wali uga jirto tayo-darro xirfadda qoraalka ah taasoo ay sababikaraan; aqoon-darro iyo qoraaga oo aan hammi badan u haynin in uu barto xirfadaha ay hawshani uga baahantahay. Read the rest of this entry

Propaganda or proper journalism? China’s media expansion in Africa

Chinese media in Africa tends to take a different approach to other news organisations. This could be because of censorship, or it could be because Chinese media follow a different philosophy of journalism.

Propaganda or proper journalism? China’s media expansion in Africa

A newspaper vendor in Nigeria. Photograph by The Commonwealth.

Journalism & Researcher – From huge infrastructure projects to ubiquitous cheap goods, evidence of China’s presence across Africa today is unavoidable. But over the past few years, there is one area in which China’s deepening footprint on the continent has been particularly notable − turn on the radio, switch on the TV, or check out the newsstands, and China’s expansion into Africa’s media is clear to see.

Chinese journalists have been present in Africa for a long time, but as the China-Africa relationship has flourished, there has been a concerted effort from Beijing to build its media agencies in Africa and around the world so they can compete with the likes of the BBC, CNN and Aljazeera. As many Western media houses have been cutting back on foreign reporting budgets, Beijing in 2009 allocated $7 billion to increasing China’s state-owned media presence around the world. Read the rest of this entry

Obama and the circus of clowns in Ethiopia

Obama and the circus of clowns in Ethiopia

Obama and the circus of clowns in Ethiopia

Journalism & Researcher – The historic state visit of U.S. President Barack Obama to Ethiopia has just accomplished what was expected all along. On the one hand, TPLF and its cronies tried to use it as a spectacle full of absurdities, comedic political circus and amateurish propaganda. On the other hand, it was a golden opportunity for Ethiopia as the crimes of the regime were exposed at a global scale.

From the moment the U.S. President landed at Bole International Airport to his departure, there were disorganized roadshows that revealed a tyrannical clique running around like a headless chicken. While making the U.S. President stroll around on shabby doormats and rugs rolled out as “red carpets” may seem a side issue, it drew ridicule globally even from bloggers in Kenya, where he was accorded a stately and colorful welcome. But for the TPLF goons what mattered the most was the photo opportunity and the cheap propaganda.

The circus started at Bole International Airport, where ministers and senior government officials were head over heels pushing each other to see and touch Mr. Obama. They behaved as if they were kids fighting over candies. Communication minister Redwan Hussein, Deputy Foreign Minister Berhane GebreKristos and an unnamed lady who was running around like a clueless midfielder can take the trophies for their disgraceful manner and lack of self-respect as dignitaries. Read the rest of this entry

President Obama: Tear Down the Wall Between Eritrea and Ethiopia

President Obama: Tear Down the Wall Between Eritrea and Ethiopia

President Obama: Tear Down the Wall Between Eritrea and Ethiopia

Movement Public Opinion – President Obama is in the midst of a historic visit, having travelled to his ancestral homeland, Kenya, where his father hails from, and now Ethiopia — one of Africa’s “lion” economies and an important ally of Washington in the volatile region of the Horn of Africa.

Situated across the busy shipping corridor of the Indian Ocean and the Red Sea where millions of barrels of oil transit everyday, the Horn of Africa is home to a total of 160 million people residing in eight countries – Ethiopia, Eritrea, Djibouti, Sudan, South Sudan, Somalia, Kenya, and Uganda. It is also the only area of Africa where the United States maintains a large military base, the Combined Joint Task Force-Horn of Africa, located in Djibouti.

Obama is expected to hold bilateral talks with the Ethiopian government on many fronts: trade, investment, regional security, aid, and development. He will also meet with the mediators of the on-going civil war in South Sudan. Finally, Obama will address the African Union, which makes him the first US president to do so. Read the rest of this entry

Government to speed up construction of Somalia border walls

Government to speed up construction of Somalia border walls

Government to speed up construction of Somalia border walls

MANDERA —  Friday, July 10, 2015  – The Kenyan government has said it will hasten the construction of a security wall along its porous border with Somalia following the Mandera terror attack that left 14 people dead earlier this week.

Interior Principal Secretary Monica Juma said the government is more determined in securing the border with Somalia and keep off ‘al-Shabaab’ militants from freely crossing into the country. Read the rest of this entry